Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Indha Cadde oo Qaadhacay Shirka Jabuti
Pirates Threaten Food-Aid to Somalia: 2008.07.19
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:63
Date:23-07-2008
Bye Bye  - Maria Carey
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:103
Date:22-07-2008
bob marley - no woman no cry
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:39
Date:22-07-2008
Somali supermodels
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:271
Date:20-07-2008
Rihanna - Hate That I Love You
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:822
Date:20-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 13 2008
Indha Cadde oo Qaadhacay Shirka Jabuti
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 13 May 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Qaar ka mid ah Isbeheeysiga dib u xureeynta Dalka Soomaaliya ayaa qaadacay Shirka Ka socoda Dalka Jabuuti, waxaana ay sheegeen in aysan matalin xubnaha Hada ka qeeyb qaadanaya Kulankaasi ee ka midka ah Isbeheeysigaasi.

Xoghayaha Difaaca Isbeheeysiga dib u xureeynta Dalka Soomaaliya Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde oo Saxaafada lahadley ayaa sheegay in shirka Dalka Jabuuti ka socda uu yahay mid lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xubnaha ka socda Isbeheeysiga dib u xureeynta Somalia ee ka qeeyb galaya shirkasi aysan matalin Isbeheeysigooda, waxaana uu ugu baaqay xubnahaasi in ay ka baxaan shirka.
Indhaca Cadde ayaa ku tilmamay kulanka ka socnaya Dalka Jabuuti in uu yahay mid lagu wiiqayo awooda Xoogag ka soo hor jeeda Dowladda iyo Ciidamada Itoobiyaanka ee Dagaalka hubeysan kula jira.

“ Shirkaasi waxaa uu yahay mid aan qaadaceeyno waxaan uu yahay mid lagu doonayo in lagu jah wareeriyo shacabka Soomaaliyeed,Isbeheeysigana ma matalaan Xubnaha hada ka qeeyb qadanaya” ayuu yiri Mr Indha Cadde.

Yuusuf Max’ed Siyaad oo ah Xoghayaha difaaca Isbeheeysiga dib u xureeynta ayaa intaas raaciyay in aan lala soo socodsiin Masuuliyiinta Isbeheeysiga ee ku sugan Dalka Soomaaliya sida uu sheegay waxaana uu ugu baaqay Madaxda Isbeheesiga in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan oo arimahasi looga hadlayo, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in wada hadal lala galo kuwa Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada u geeysnaya waa sida uu hadalka u dhigayee.

Horay ayaa waxaa hadalo kala duwan ay uga soo yeerayeen Masuuliyiinta Isbeheeysiga,taas oo ku aadan shirka ka soconaya Dalka Jabuuti, kaasi oo ay isugu tageen Xubno matalaya Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo hor jeeda.

Hadalka Indha Cadde ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah Isbeheeysiga dib u xureeynta ay ka qeeyb galayaan Shirka ay soo agaasintay Qaramada Midoobey, kaasi oo ka socanaya Dalka Jabuuti.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >